|
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka somaaliyeed ayaa shalay galab waxa ay la wareegeen deegaanada afarta tuulo ee hoos yimaada Gobolka Sh/dhaxe iyadoo meel fagaaro ah ugu khudbeeyay dadka deegaankaasi.
Ciidamadaan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa Maqribkii gaaray deegaanka Biya Cade oo dhinaca bari kaga Beegan Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhaxe .
Ciidamaan oo ahaa kuwo aad u farabadan ayaa durbadiiba waxa ay la hadleen Shacabka ku dhaqan deegaanka Biya cade kuwaasi oo u sheegay shacabka in la badalay maamulkii hoos imaan jiray Dowlada embaghati Maanta wixii ka dambeeya uu halkaasi ka shaqeyn doono maamul Islaami ah oo hoos yimaada Maxkamadihii Islaamka ee dalka ka talinjiray.
Guddoomiyihii hore deegaanka Biya cade xiligii maxkamadaha Sheekh Isaaq Cadow ayaa waxa uu sheegay in Shacabka looga baahanyahay in ay taageeraan diinta Islaamka iyo midawga Maxaakimta Islaamiga ah.
Ma jiro hadal ka soo baxay Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowlada embaghati oo ku aadan ciidamada taabacsan Maxkamadaha Islaamka ee galabta tagay Afarta Tuulo ee hoostaga Gobolka Sh/dhaxe. |