|
|
Maqaalo Baraarujin ah YAA DUMIYAY MAAMULKII MAXKAMADAHA??? Yaa la jihadeesa?Waa bayaan ay soo saareen mujaahidiintii Waqooyi BariBaraarujin qaybtii 3aadBaraarujin Qaybtii 2aadBaraarujin Qaybtii 1aadQore: C/raxmaan C/laahi |
ILMAHA QURBAHA MIYAA DULMAN MISE WAAALIDKOOD AYAA DAMAN
![]() ![]() ![]() Dhalaanka maanta waa Indhahii iyo Aayatiinkii barito ee Dalkeena hooyo ee somaliyeed. Walaalayaal waxaan dhamaantayo wada ogsoonahay in maanta Dalkeenii ay dhibaato weyni ka dhacday taasi oo sababtay in maanta ay somali badani qurbaha u soo qaxeen si kastaba ha ku yimaadaane. waxaan run ahaantii Xusid mudan in Caruur badan oo soomaliyeed ay nasiib ku heleen inay qurbaha yimaadaan amaba ku dhashaanba Hadaba caruurtaasi Somaaliyeed maxeey kala kulmeen qurbahii ay yimaadeen miyeey ka faaiideen miyeey ku qasareen qasaaraha ku soo gaarayse waa mid intee la eg. Walaayaal maqaalka aan rabo inaan bal ku eeego dhalaanka qurbaha waxoow yeelaan doonaa dhinacyo badan oo saameeyn ku leh dhalaanka soomaliyeed ee qurbaha hadaba waxaan ugu horeeysiin doonaa dhinaca waxbarashada. Waxbarashadu waa muhiim in waalidka uu kula dadaalo caruurtiisa hadiiba ilaahay ku irsaaqo ilmo. Marka horeba maadaama aan umad islaam ah nahay waxaa ugu horeeyn wanaagsan in aad ilmahaaga koow ku barbaariso diinta islaamka aadna geeyso intaadan geeyn school-ka maadiga midka diiniga aad ku biloowdo dareensiisana cunuga inoow diintiisa school lagu barto jirto isagoo taasi madaxiisa ka dhaadhacsantahay markaa ku biloow schooladii caadiga ahaa. Walaalyaal waxbarashadu maahan oo kaliya in cunuga school loo diro oo buugtiisa iyo uniformkiisa la siiyo baska schoolkana la saaro way ka qoto dheertahay taasi. Waxaan run ahaantii aan si aad ah u dhex galay lana kulmay Lana shaqeeyay caruur soomaliyeed oo taga schoolada . Sidoo kale waxaan u kuur galay sida ilmahaasi uu ku yahay schoolka iyo sida waalidiintoodu ugu xiranatahy schoolada ciyaalkoodu dhigtaan, iyo xariirka ay la sameeyaan waalidiintaasi macalimiinta ilmahooda schoolka u dhigta. Markaan u kuurgalay waxaa ii soo baxday inay Waalid badan oo waliba aad u badan aysan wax war ah u hayn Ciyaalkooda heerka waxbarashadooda sida ay tahay iyo meesha uu tago waxa looga soo dhigo maaha in waalidkaas uusan qaibrad wabxbarsho lahayn waayo waxaa schoool walba diyaar ku ah oo waalidkiisa luuqad alle luuqaduu yaqaano ugu sharaxaayo waxa ilmahiisa baranaayo dad loo diyaariyay . Waan ogahay in ay aad ugu mashquulaan shaqo waayo waxaa ku xariira qoysas u baahan inay taakuleeyaan oo wadankii jira balse walaalyaaloow ma ka fakarteen in cunugaaga uu ku jiro gacan macalin uusan ku dhaqan ahayn ku diin ahayn . Walaayaal waxba waxbaa laga hormarsiiyaa waa muhiim inaad ka fakarto cunugaan yari maxoow maanta kala yimid schoolka maxaa ku soo kordhay maxaa iska badalay. waxaa dhacda in macalimiinta ay u helaan jaanis ay uga faaiideeystan in uu cunugii siduu rabo ka yeelo oo uu isaga waalidba u noqdo marka danbe taasina waxaa keentay inuu waalidkii ka gaabiyo kaalintii looga baahnaa. Hadaan soo qaato tusaalooyin waxaa jira in schoolada la qabto wada kulan macalimiinta iyo waalidka ay isla fadhiistaan loona sheego ama loo soo bandhigo waalidka waxii uu sadexdaas bilood soo qabtay cunugiisa iyo sidoow wax u bartay midaasi oo runtii muhiim ah. Hadaba walaayal waxaa dhacda oo ayaan daro in waalidiin badan aysan imaan kulmadaas ama hadeey yimaadaan xataa aysan macalimiinta ula xisaabtamin sidii looga baahnaa inay wax u wareeystaan. waayo waalidkaas maxuuba la xisaabtamaa macalinka markii horeba cunugiisa moosan la xisaabtami jirin markoow u yimaado guriga uuna ka yimaado schoolka sidee buu markaa su'aalo ama fikrad ama inuu bal amcalinkii u sheego waxyaalaha uu ku dhaliilsanyahay ugu sheegi karaa haduusanba la socon cunugiisa waxoow ka soo dhigto schoolka. iyagoo cudur daar ka dhiganaayo shaqo iyo mashquul kale. maxaaad markaas ka fileeysaa macalinkii cunugaas u dhigaayay shaqidiisii baad u fududeeysay waxaad siisay jaanis uuba cunugaagii waxbana ugu diyaarin oo xataa uusan sadexdaas biloodba isku mashquulin inoow si fiican wax u baro waayo macalinkaas waxoow ogyahay inaan qofna la xisaabtami doonin oo uusanba walidkiisa cunugaas wax muraad sidaas u sii ridanba ka lahayn. Run ahaantii waxaan si aad ula hadlay ugana dhaadhacsiiyay comunitigeeyga ama jaaliyadeeyda sida ay muhiim u tahay inay yimaadaan kulamadaas ayna la xisaabtamaan macalimiinta ilmahooda balse ayaandaro waalidiin badan igama hoos qaadin arimahaas aan codsiga ugu soo jeediyay. Ilmaheena waa ka hooseeyaan xaga wax barashada Ilmaha kale ay la fadhiistaan waxaa xataa mar mar dhacda in ilmaheena iyagoo waxbarashadooda ay aad u sareeyso yimaadaan oo cunuga da'diisa iyo heerka wax barashadiisa gaarsiisantahay ay kala sareeyaan uu yimaado waayo sidaad la socotaanba africa way ka waxbarasho adagtahay kana sareeysaa europe ama north america waa fact midaas Marka waxaana taasi sababay cunuga waxoow arkaa inaysan jirin qof daba jooga ama daneeynaya waxoow sameeynayo. way jirtaa walalayaal in waalidiin badan oo aan nasiib u helin inay wax bartaan ay jiraan laakiin walalayaal wadamadaan aan joogno dadbaa lacag lagu siiyaa inuu adiga iyo cunugaagaba si aad wax idiin baraan Ilaahaybaana nooga soo qaaday ee ayagu wax ay nala jeclaadeen maahan. walaal Hooyadii macaaneedeey ama aabahii wanaagsanaayow maxaa kuu diday inaad ilmahaaga daba gasho aaad isbuuciiba mar schoolka ku soo booqato aad boorsadiisa baarto waxa notes ama fariin maanta laguu soo dhiibay aad macalimiinta xataa hadaadan imaan karin aad taleefan u soo dirto ogaato cunugaaga xaaladiisa meeshay mareeyso. Marka uu macalinku arko inaad ku dadaaleeyso aadna daneeyneeyso cunugaaga waxbarshadiisa isna wuu ku dadaali oo bareeshar xoog leh buu isa saari waayo waxuu is leeyahay hadaadan cunugaan iskaga dadaalin wax barashadiisa walidkaan amoow ku dacweeyaa ama uu warbaxin xun kaa dhiibaa. Inakastoon Maqaalka inuu dheeryahay aan biloowgiisii soo sheegay hadana waxaan rabaa inaan ku soo gabagabeeyo Walaalyaal aan badino daba galka ilmaheena waxbarashadooda iyo dhaq dhaqaaqooda. Xataa waxaad imaan kartaa schoolka aad mar mar adigoon macalinku kaa war heeyn soo booqan kartaa si kadisaa aad waliba saacado la joogi kartaa sida cunugaaga wax u baranaayo si aad u aragto. Markaas xataa waxaa uu ilmahii dareemayaa inaad daba taagantahay aadna waxbarashadiisa kontorool saaid ah ku haayso waxuuna bilaabayaa dadaal dheeraad ah iyo waliba kalsooni buuxda inuu ku siiyo. Insha;laah Allaah noo hadeeyo caruurta waalidiintana alaha ku soo duwo inay caruurtaan alle ka tuugaan inuu ka badbaadiyo Badaa Hirka weyn ee aan dhex keenay. La soco Maqaalka labaad waa dhanka Casharada Ilmaha la baro ma qaar ay ku haboontahay Inay waaldiintu Raali ka ahaadaanbaa mise waa MAAHAN <----Next article
|
Maqaalo Baraarujin ah YAA DUMIYAY MAAMULKII MAXKAMADAHA??? Yaa la jihadeesa?Waa bayaan ay soo saareen mujaahidiintii Waqooyi BariBaraarujin qaybtii 3aadBaraarujin Qaybtii 2aadBaraarujin Qaybtii 1aadQore: C/raxmaan C/laahi
|
|
| ||