27 qof oo rayid ah oo ku dhimatay duqeyn ay geysteen isbahaysiga uu Mareykanka hoggaaminayo

qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen duqeymo dhanka cirka ah oo magaalladda Raqqa ee dalka Suuriya lagu garaacay.

Weerarka ayaa la sheegay in ay geysteen isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo.

Hay`adda xuquuqda aadanaha Siiriya ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in dadku ay dhinteen markii ay socdeen weerarrada lagu qaaday degmada qaddiimiga ah iyo deegaanno ku xeeran.

Waxay sheegtay in tirada weerarkii ugu dambeeyay ku dhintay ay ka dhigeyso soddon iyo siddeed tirada rayidka ku dhintay weerarrada dhanka cirka ah tan iyo Isniintii.

Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo ayaa taageeraya Kurdiyiinta iyo dagaal yahannada Carbeed ee isku dayaya in magaalada Raqqa ay ka qabsadaan kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.

Dulmidiid
Ismaiil farah ali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: